Somaliland” Xuutiyiinta Weerarkooda waan iska Difaaci doonaa”

0
639

Wasiirka Warfaafinta  Somaliland Xirsi Cali Xasan oo  Galabta la hadlay Idaacadda BBC laanteeda Afka Soomaaliga ayaa sheegay in Somaliland ay iska difaaci doonto haddii Weeraro ay uga yimaadaan Kooxda Xuutiyiinta Yemen ee Dagaalka kula jira Dowladda Caalamku uu Aqoonsan yahay ee Yemen iyo Isbaheysiga Sacuudigu uu hogaamiyo.

Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa Xusay in Saldhigga Imaaraadka Carabta uu doonayo inuu ka furto Magaalada Berbera uusan wax ka badali doonin Amniga Somaliland hadda ka jira islamarkaana Somaliland ay dooneyso in Dowladaha dariska la ah ay Nabad kula noolaato.

Wasiirka ayaa Tilmaamay in haddii Xuutiyiinta Yemen ay soo fara geliso Arrimaha Somaliland ay iska dhicin doonaan,balse Somaliland aysan jirin Cid ay Duulaan ku tahay sida uu hadalka u dhigay.

Tan iyo Markii Baarlamaanka Somaliland ay Meel mariyeen in Dowladda Imaaraadka Carabta ay Saldhig Milatari ka sameysato Magaalada Bebbera ayaa waxaa soo baxayay Walwal ah in Imaaraadka Carabta oo ku jira Xulufada la dagaalamaya Xuutiyiinta Yemen inuu ka Weeraro Xuutiyiinta Saldhigga uu ka furanayo Magaalada Berbera.

Kooxda Xuutiyiinta oo la aaminsan yahay in ay Taageero ka hesho iiraan iyo Dowlado kale ayaa Duqeymo ka geysata Qeybo kamid ah Sacuudiga,waxaana la sheegayaa in haddii Imaaraadka uu ka Weeraro Magaalada Berbera Saldhigga uu ka sameysanayo in Xuutiyiinta ay Awoodi karaan in Somaliland ay Duqeymo ka Fuliyaan.