Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay afar kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax goor dhowayd ka dhacay duleedka magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.
Qaraxan ayaa la sheegay in lala beegsaday maleeshiyo beeleed ka horjeedda ururka Al-Shabaab, in kastoo ilaa haatan cid sheegatay aysan jirin.
Ma jirana faahfaahinno intan dheer oo laga helayo qaraxan.