Madaxweyne Farmaajo oo Mareykanka kala hadlay Ammaanka iyo Abaaraha ka jira dalka

0
733

Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Kulan kula qaatay Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya ee lagu Magacaabo Stephen Schwartz,waxaana ay ka wada hadleen Arrimo dhowr ah.
Qodobada ay isla soo qaadeen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Danjiraha Mareykanka u jooga Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ahaa In Dowladda Mareykanka ay ka Taageerto Dowladda Federaalka Soomaaliya Dhinacyada Ammaanka,Mushaarka Ciidamada iyo Abaaraha ka jira Dalka Soomaaliya.
Maxamed C/llaahi farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya oo la doortay 8-dii Bishaan February ayaa shalay si Rasmi ah ula Wareegay Xilka Madaxweynaha Soomaaliya waxaana Dowladdiisa horyaalla Shaqooyin badan oo ay ugu horeyso Magacaabida Ra’iisul Wasaare soo dhisa Xukumad tayo leh.