Boqollaal tahriibayaal ah oo dhanka Morocco ka galay Spain

0
654

Boqollaal qof oo tahriibayaal ah ayaa xoog ku galay dalka Spain saaka, waxayna ka tallaabeen xuduudda Morocco.

Dadkaas oo gaaray Ceuta ayaa waxay ka tahriibeen Woqooyiga Afrika. Qaar ka mid ah tahriibayaasha ayaa dhaawacmay, sida ay ku warrameyso wakaaladda wararka ee AFP.

Laamaha gurmadka degdegga ah iyo booliska waxay sheegeen in la daaweynaayo dadka dhaawacmay.

Dadka xoogga ku galay Spain ayaa lagu qiyaasayaa 500 oo qof oo ay u suuragashay inay dalkaasi Yurub ku yaalla ay cagta saaraan.

Laamaha gurmadka waxay sheegayaan in ciidamada amniga ay dhaaweceen dadka badankooda.

Waxaa soo baxaya sawirro muujinaya qaar ka mid ah Tahriibayaasha oo dhulka dhunkanaya, ka dib markii ay Spain gaareen.

Tahriibayaal dhulka dhunkanaya
Booliska iyo Tahriibayaasha ayaa dhaawac uu gaaray
Qaar ka mid ah tahriibayaasha xoogga ku galay Cueta

In ka badan 300 oo qof ayaa illaa iyo hadda la caawiyay, halka kuwana ay sugayaan in la caawiyo.

Bishii December waxaa la arkay qiyaastii 400 oo qof oo isku deyay inay xoog ku dumiyaan xeyndaamba xuduudda ee u dhexeeya Spain iyo Morocco.

Waxaa la sheegaa in kummannaan tahriibayaal ah ay xadka ku sugan yihiin, kuwaas oo sugaya inay mar un u tallaabaan dhanka Spain.

Deegaanada yaryar ee Ceuta iyo Melilla waxay ku yaallaa dhanka woqooyiga Morocco ee badda Mediterranean.

Waa meesha keli ah ee xuduud dhul ah Yurub kala leedahay Afrika.