Afar Waxyaabood Oo Muhim Ah Oo Aad U Baahan Tahay Inaad Ogaato Ka Hor Kulanka Adag Ee Caawa Dhexmaraya PSG & Barcelona

0
780

Paris Saint-Germain ayaa martigelineysa Barcelona lugta koowaad ee kulankooda sida weyn loo sugayo ee wareega 16ka ee Champions League.

Waa markii seddexaad ee shan xilli ciyaareed ee ay labadaan kooxood isku arkaan wareegyada ugu danbeeya ee Champions League, halka ay sidoo kale isku arkeen wareega group-yada ee xilli ciyaareedkii 2014-15.

Kooxda reer Spain ayaa soo badisay labadii iska horimaad ee horeeyay, sidaasi darteed miyaan arki doonaa qaab ciyaareed ku celiska ah sannadkan 2017? Waxaan halkaan idin kugu soo gudbin doonaa qodobo dhowr ah oo la hadal-hayo ka hor kulanka caawa.

Qaab ciyaareedka

Barcelona ayaa kulankaan ciyaari doona iyagoo ugu cadcad laakiin labada kooxood waxa ay ku jiraan kalsooni aad u sareysa. PSG waxa ay badisay 10 ka mid ah 11 kulan ee ugu danbeysay iyagoo barbaro kaliya kulanka kale, waxaana ay isku diyaariyeen kulanka Barcelona iyagoo 3-0 kaga soo badiyay Bordeaux. Ma ahan kuwa la cararaya koobka horyaalka Faransiiska sida sannadihii la soo dhaafay laakiin waxa ay seddex dhibcood ka danbeeyaan kooxda hogaanka heysa ee Monaco, waxaana ay ku guuleysan kartaa horyaalka markii shanaad oo isku xigta. Barcelona waxa ay ka danbeeyaan Real Madrid hogaanka La Liga, laakiin lagama badinin 11 kulan waxaana ay isbuucaan 6-0 kaga badiyeen kooxda Alaves.

Kulamadoodii u danbeeyay

Kooxda ay maalgeliso Qatar ee PSG ayaa masraxa soo kortay xilli ciyaareedyadii u danbeeyay, waxaana ay taasi keentay in labada kooxood ay noqdaan kuwa si joogta ah isagu arka Champions League. Waa markii seddexaad oo ay wareegyadaan isku arkayaan shan xilli ciyaareed gudaheed ka dib markii ay Barcelona badisay wareegii 8da ee kulamadii ay ciyaareen 2013 iyo 2015. Waxa ay sidoo kale ku kulmeen wareegii group-yada ee 2014-15 iyadoo koox walba ay hal kulan badisay. Iyadoo PSG ay u dadaaleyso inay ka mid noqoto kooxaha waa weyn ee Yurub, iska horimaadkooda ayaana noqon doona mid xamaasadeysan marba marka ka danbeysa.

Muhiimada PSG

Kooxda heysata horyaalka Faransiiska ayaa ku kuftay wareega 8da afartii xilli ciyaareed ee ugu danbeysay. Barcelona ayaana ah caqabad xoogan oo ka hortaagan iyagoo mar kale doonaya inay gaaraan wareega 8da mar kale, laakiin shaki kuma jiro in PSG ay magac ku yeelan karto kulamada ceynkaan oo kale ah. Ka dib markii ay awood ku qabsadeen horyaalkooda, waxa ay haatan doonayaan inay u soo gudbaan masraxa Yurub.

Muhiimada Barcelona

Kooxda Luis Enrique waxa ay weli tartan ugu jiraan La Liga, laakiin hal dhibcood oo hogaanka looga hayo iyo labo kulan oo u sii harsan Real Madrid ayaa Los Blancos ka dhigeysa kuwa koontaroolaya tartanka. Haddii farqigaas aysan soo yareyn karin waxa ay doonayaan inay diiradooda u weeciyaan Champions League. Waxa ay rajeynayaa inay heystaan hubkooda waa weyn Lionel Messi, Luis Suarez iyo Neymar.