Guddoomiye Cirro“saddex xildhibaan waa la xidhay, lix xildhibaanna way dhaawacan yihiin

0
755

Fadhigii labadda gole ee uu saaka madaxweynuhu ka soo qaybgalay ayaa hoolka baarlamaanka waxaa ka dhacay is qabqabsi iyo buuqa badan oo xildhibaanadda iskaga soo horjeedeen, isla markaana qaarkood ku diidanayeen ansixinta saldhiga military ee imaaraadku ku doonayo inuu ka samaysto magaaladda Berbera.

Kalfadhigan labadda gole la iskugu yeedhay ayaa madaxweynuhu ka hor jeediyey khudbad sanadeedkii, waxaanu uga war bixiyey dalabka imaaraadka ka codsaday inuu saldhig military ka samaysto magaaladda Berbera.

Imaaraadka Carabta waxay ina waydiisatay saldhiga military inay ka samaysto magaaladda Berbera, waxa saldhigaasi inoogu jira fursad weyn, waana masaalixaad aynu is waydaarsanayno inaga iyo dalka Imaaraadka Carabta,waxaynu bixinayna saldhiga militrri oo aynu dhaafsiisanayno arrimo faro badan”ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo oo khudbad dheer ka jeediyey labadda gole baarlamaan.

Intaas kadib waxaa isku dayey qaar ka mid ah wasiiradda oo doonay in ay akhriyaan heshiishka saldhiga, haseyeeshee waxa ka diiday xildhibaanadda oo ku qaliyey, taas oo buuq iyo sawaxan ka dhex abuuray golaha dhexdiisa.

Gudoomiyaha golaha Guurtidda oo shirgudoominayey fadhiga labadda gole ayaa ciidanka ku amray inay golaha ka saaraan xildhibaanadda buuqa abuuraya, waxaanay askartii xoog ku jiid jiideen illaa afar xildhibaan oo qaarkood xabsiga loo taxaabay, qaar kale la sheegay inay ciiidanku jidh dil u geysteen.

Intaas ka dib xildhibaanaddii golaha fadhiyey ayaa cod caqlabiyad ah ku meel mariyey heshiishkaasi saldhiga military ee Imaaraadku xukuumadda ka codsaday inuu Berbera ka samaysto, waxaana ogolaaday 144 xildhibaan, hal xildhibaan wuu diiday, shan xildhibaana wuu ka aamusay.

Sidoo kale, waxa golaha ka baxay gudoomiyaha golaha Wakiiladda Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo marka uu arkay xildhibaanadda askarta loo adeegsaday meesha iskaga baxay.

Guddoomiyaha golaha Wakiiladda C/raxmaan Cirro ayaa sheegay in ilaa saddex xildhibaan la xidhay, halka xildhibaan way dhaawacan yihiin, waxaanu arrintii meesha ka dhacday ku tilmaamay mid afduub ah.

“waxan golaha la keenay heshiish maaha ee waa qoraal af soomaali ku qoran, wax saxeex ahina kuma yeello, waana gole la af duubay, saddex xildhibaan waa la xidhay, lix xildhibaanna way dhaawacan yihiin, wixii meesha dhacayna umadda ayaanu usoo bandhigaynaa”ayuu yidhi Gudoomiyaha golaha Wakiiladda C/raxmaan Cirro.

Xildhibaanadda fadhiga ka baxay ayaa wixii golaha ka socday ku tilmaamay wax aan sharci ahayn, isla markaaana aanu jirin heshiish lala galay imaaraadka oo golaha loo soo bandhigay, iyo kiradda lagu kireeyey garoonka magaaladda Berbera.

Sidoo kale, madasha wadatashiga Somaliland oo ay ku bahoobeen siyaasiyiin waaweyn ayaa iyagu wixii golaha ka dhacay ku tilmaamay wax aan sharci ku fadhiyin, isla markaana wixii la ansixiyey aanu sharci ahayn.