Maxay Kenya ku diiday inay u Hambalyeyso Madaxweyne Farmaajo? Wax badan ka ogow

0
625

Dowlada Kenya ayaa cadeysay sida aysan ula dhacsaneyn doorashadii madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Xili sii horeysay Warqaad.com ayaa ogaatay in Kenya ay xusul duub ugu jirtay sidii Sh Shariif Sh Axmed uu unoqon lahaa madaxweynaha Soomaaliya, laakiin ay ka xun tahay in Mudane Farmaajo uu madaxweyne noqdo.

Madaxweynihii dalka Kenya ayaa kamid ahaa xubnihii sida ugu dhaqsiyaha badan usoo dhaweeyay doorashadii Xasan Sh Maxamuud iyagoo xataa wafdi heer caalami ah usoo diray, laakiin xataa wax hambalyo ah ma aysan usoo dirin madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mudane Farmaajo.

Dowlada caalamka oo ay kamid tahay Itoobiya ayaa kamid ah dowladaha hambalyada usoo diray Mudane Farmaajo laakiin Kenya ayaanan wax fariin ah udirin Soomaaliya tan iyo markii la doortay Farmaajo.

Kenya waxaa ay ciidamo ka joogaan Soomaaliya, waxaana ay kamid aheyd dalalka saameynta weyn ku leh siyaasada Soomaaliya, lamana oga xariirka ay yeelan doonaan madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mudane Farmaajo.