Howlgal qorsheysan ayaa habeenimadii Xalay waxa laga sameeyey Deegaano katirsan Gobolka Bakool waxaana soo baxaya warar kusaabsan Howlgalkaasi.
Saraakiisha Ciidanka Hogaamineysay waxay sheegeen inay bartilmaameedsadeen goobo gaar ah oo lagu tuhmay inay Al Shabaab kusugnaayeen.
Ciidanka Dawlada Soomaaliya oo fuliyey Howlgalka ayaa tiro dad ah gacanta kusoo dhigay kuwaasi oo lala xiriirinayey inay ku lug leeyihiin ama ay la shaqeeyaan Al Shabaab.
Tuulooyin hoostaga Xudur iyo Waajid ayaana ay ubadnaayeen Howlgalka meelaha laga sameeyey islamarkaana Ciidanka Koonfur Galbeed ay ka qeyb ahaayeen Howlgalkaasi gaarka ahaa.
Saraakiil ka qeyb qaadatay Howlgalka waxay Idaacada Mustaqbal usheegeen in dib ay faah faahin ka bixin doonaan howlgalka ayna baaritaan iyo Su’aalo weydiin marinayaan dadka tuhmanayaasha ah Ee gacanta lagu soo dhigay.