Madaxweynaha Khaatumo oo gaaray Hargeysa

0
659

Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galleyr ayaa saaka gaaray Magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Somaliland.

Cali Khaliif,ayaa shalay loo diiday in uu diyaarad ka raaco magaalada Buuhoodle,waxaana uu xalay Gaari ka qaatay Buuhoodle isaga oo ku hoyday Magaalada Burco.

Waxaa uu saaka gaaray magaalada Hargeysa,halkaas oo la sheegayo in uu ka raacayo diyaarad u qaadeysa dalka Jabuuti oo uu wadahadallo kula yeelanayo xubno ka tirsan Maamulka Somaliland.

Malleeshiyo hubeysan oo diiddan wadahadalka Somaliland iyo khaatuma ayaa Cali Khaliif shalay ka hor istaagay in uu diyaarad ka soo degtay Buuhoodle u raaco Jabuuti,waxaana ay celiyeenm Diyaaraddii oo kaliya.