Xeer ilaaliyaha Qaranka oo sheegay in Kenya 6 Bil kaga fikireyso Go’aankii Maxkamada.

0
713

Dr Axmed Cali Daahir Xeer ilalaiyaha guud ee qaranka iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa Manata dalka dib ugu soo laabtay, waxaana uu sharaxaad dheeraad ah ka biixyay Dacwadii Khamiistii ICJ go’aanka ka soo saartay.

Xeer ilalaiyaha ayaa Suxufiyiinta Muqdisho ugu sheegay in Somaliya ay gaartay guushii uhoreysay ee Dacwada kaladhaxeysay Kenya, balse ay wali harsanyihiin go’aamada aadka loo wada sugayo.

Waxa uu sheegay in ICJ ay Somaliya ugudbisay Documentiyada saxda ah ee ku saabsan dooda Somaliya ee ah in Maxkamada ay xaq uleedahay iney qaado dacwada.

ICJ ayaa Gelinkii dnabe ee khamiista sheegtay iney saxtahay dooda Dowladda Somaliya ee ku saabsan iney tahay in lagu kala boxo Maxkamada, halka kenya ay qabto in labada dal ay si hoose arinta xal uga gaaraan.

Daahir ayaa dhinaca kale tilmaamay in Somaliya ay gudbisay dacwada 2 sano kahor rajana ay qabto iney ku guuleysato maadaama ay juhdi badan galisay.

Kenya ayuu sheegay in la siiyay mudo kusiman 6 Bil oo ay uga soo baaraandageyso go’aankii Maxkamada ka soo baxay, kadibna Maxkamada guda gali doonto qaadashada go’aanka ugu dnabeeyo ee Dacwada.