Jaamacadda Carabta oo soo dhoweysay go’aankii Maxkamadda Caalamiga ee ICJ

0
743

Ururka Jaamacadda Carabta ayaa soo dhoweeyay go’aanka Maxkamadda Caalamiga ee Cadaaladda Adduunka ay qaadatay, kadib fadhi ay yeelatay Maalintii Khamiista, ayna ku cadeysay inay gali karto kala xukminta iyo calaamadeynta xuduud badeeka Soomaaliya iyo  Kenya.

 

Xoghayaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Ahmed Aboul-Gheit ayaa bogaadiyay tallaabadaasi muhiimka ah ee u suuragelineysa Maxkamadda inay guda-gasho kala saaridda dacwadda ay Soomaaliya soo oogtay bishii August 2014 si loo asteeyo xad badeedka ay la wadaagto Kenya ee Badweynta Hindiya, lana xadido biyo goboleedka iyo aagga dhaqaalle ee gaarka ah (Exclusive economic zone) ee labada dal ay kala leeyihiin.

Aboul-Gheit oo soo saaray war saxaafadeed maalintii Jimcaha ayaa waxa uu amaanay Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya inay ku kala gar-qaataan qaanuunka caalamiga ah si xal loogu helo khilaafka ka dhex taagan labada dal ee ku qotanta arrintan, isaga oo carabka ku adkeeyay in Soomaaliya iyo Kenya ay yihiin laba dowladood oo deris ah , saaxiibbo ah, kana dhexeeya xiriir taariikheed oo ay ku jirto xoojinta iskaashigooda dhaqaalle iyo ka faa’ideysiga kheyraadka dabiiciga ah.

Mahmoud Afifi oo ah Afhayeenka Xogheynta guud ee Jaamacadda Carabta ayaa sheegay in Ahmed Aboul-Gheit uu tixgelin u muujiyay taageerada Dowladda Isutagga Imaaraat-ka Carabta ay u fidisay Soomaaliya arrintani , isagoo xusay in Jaamacadda Carabta ay sii wadi doonto kaalinteeda ay isugu keen doonto, ayna isku duwi doonto taageerada Carbeed ee Soomaaliya, Xukuumadeeda iyo hey’adaheeda dastuureed si loo adkeeyo tiirarka ammaanka iyo deganaanshaha guud ahaan dalka , sidoo kale waxa uu bogaadiyay howsha dimoqraadiyadeed ee xilligan ka soconaysa Soomaaliya, iyadoo todobaadkan la dooran doono Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.