Goobtii loo asteeyay inay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha oo laga yaabo in laga weeciyo

0
714

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in goobta doorashada Madaxweynaha oo horay loogu asteeyay inay ka dhacdo Dugsiga Sare ee Tababarka Booliska ee Jeneraal Kaahiye ayaa laga yaabo in laga bedelo.

Qaar ka mid ah Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa laga soo xigtay inay dalbadeen in laga weeciyo goobtaas oo horay uga dhacday doorashadii sanadkii 2012, iyagoo ka qaba walaac.

Warar la isla dhex marayo oo si aad ah u soo xoogeysanayay saacadihii la soo dhaafay ayaa sheegaya in doorashada laga yaabo in loo bedelo gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Guddiga doorashada oo ku aadan wararkan isa soo taraya ee ku aadan suura galnimada in laga bedelo goobta doorashada.

Guddoonka Baarlamaanka iyo Guddiga doorashada ayaa lagu wadaa in maalinta Isniinta ee soo socota kormeeraan Dusgiga sare ee Tababarka Booliska Jen. Kaahiye (Ex School Polizio)

8-da bishan oo ku beegan maalinta Arbacada ee soo socota ayaa lagu wadaa inay dhacdo doorashada Madaxweynaha, iyadoo ammaanka halka ay ka dhaceyso doorashada si aad ah loo adkeeyay.