7 Musharrax madaxweyne oo maanta ka khudbeeyay golaha shacabka

0
719

7 ka mid ah Musharrixiinta madaxtinimada Soomaaliya ayaa maanta khudbadahooda musharraxnimo ka jeediyay golaha shacabka ee Muqdisho.

Musharrixiinta ayaa waxaa ay soo jeediyeen khudbado kala duwan,waxaana ay inta badan ka hadlayeen waxyaabaha ay qabanayaan iyada oo musharrixiinta qaarna ay dowladda hadda jirta dhaliilo badan u jeedinayeen.

7 musharrax kale ayaa Khamiidtii jeediyay khudbadahooda,waxaana musharrixiintii saaka isaga haray Eng C/llahi Cali Xasan,iyada oo berri ay ku egtahay khudbad jeedinta Musharrixiinta,waxaana dhiman sagaal musharrax oo mid ka haray khimiistii isaga oo sheegay in uu dibadda ku maqanyahay.

maalinta Isniinta ah ayaa lagu wadaa in musharrixiinta madaxtinimada ay ka qeyb qaataan doodda musharrixiinta madaxtinimada Soomaaliya.