Real Madrid Oo Liiska Kooxdeeda Champions Leaque-ga U Gudbisay UEFA Iyo Laba Ciyaartoy Oo Da’yar Ah Oo Liiskan lagu Soo Daray.

0
891

Waxay kooxaha Yurub liiska ciyaartoyda kooxahooda ee Champions Leaque-ga uga qayb galaya markii labaad u gudbinayaan xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA. Sida markasta dhacda xiligan oo kale ayaa xili ciyaareed kasta ay kooxaha Yurub gudbiyaan liiska kooxahooda haddii ay wax ka badal ku samaynayaan liiskii ay gudbiyeen bilawgii xili ciyaareedkan.

Real Madrid ayaa liiska ciyaartoyda kooxdeeda ee ay kaga qayb gali doonto Champions Leaque-ga wax ka badal ku samaysay waxaana lagu soo daray da’yarka Achraf Hakimi oo labadii kulan ee ugu danbeeyay ku soo baxay liiska kooxdiisa Los Blancos iyo da’yarka kale ee Abner. Zinedine Zidane ayaa dhawaan da’yarka kooxdiisa u baahday markii ay dhaawcyadu soo gaadheen Dani Carvajal iyo Marcelo, wuxuuna markale liiska kooxdiisa ee Champions Leaque-ga uu ku daray da’yarkan aan soo sheegnay.

Marka UEFA liiska kooxaha loo gudbinayo waxaa jira laba darajo oo kala ah ee List A iyo List B, waxaana List A ku soo baxay ciyaartoyda kooxda kowaad oo dhamaystiran iyo ciyaartoyda da’yarta ah ee kooxda kowaad looga maarmi waayo halka List B ay ku soo baxaan ciyaaartoyda da’yarta ah oo hab heegan ah loogu darsado haddiiba loo baahdo. Sidaa daraadeed Achraf Hakimi ayaa ku soo baxay List A halka Abner uu ku jiro List B.

Labadan da’yar ayaa lagu badalay booskii ay baneeyeen Martin Odegaard iyo Borja Sanchez oo heshiisyo amaah ah ugu kala biiray kooxaha Heerenveen iyo Mallorca B. Laakiin liiska kale ee Real Marid ayayna waxba iska badalin maadaama oo ayna wax ciyaartoy cusub ah la soo saxiixin isla markaana ayna jirin xidigo kooxdeeda ka baxay ama dhaawacyo kaga maqanaan doona inta uu socda UEFA Champions Leaque-gu