Wararka ka imanaya dalka Faransiiska ayaa sheegaya in askari Faransiis ah oo ilaalo ka ahaa Matxafka Louvre ee Paris rasaas ku furay nin uu ka shakiyey inuu weerar ku ahaa halka uu ilaalada ka hayay.
Ninka la dilay oo ku dhawaaqayey “Allaahu Akbar” ayaa doonayey inuu mindi uu sitay ku dhufto askariga laakiinse uu isaga dhaawac ba’ani soo gaaray ka dib markii askarigu rasaas kaga jawaabay weerarkaa.
Ninka weerarka ahaa yaa la sheegay inuu doonayey inuu galo dukaan ku yaal dhanka hoose ee matxafka.
Howlgal nabadgelyo oo ballaaran ayaa haatan socda wasaaradda arimaha guduhuna waxay xaaladda ku tilmaantay mid “ba’an”. Dadkii ku jiray matxafka Louvre ayaa iyagana laga daad gureeyay.
Afhayeenka booliska Faransiiska ayaa isna sheegay in ninka weerarka qaaday ku dhawaaqayey “Allaahu Akbar” oo ah erayo af-carbeed ah oo ka dhigan Allaa weyn, hase ahaatee mA sidanin waxyaabaha qarxa.
Wararka qaarkood ayaa sheegaya in uu sitay mid ama labo boorso, war kalena wuxu tibaaxay in uu dhabarka ku sitay shandad oo uu faashna sitay.