Madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto oo loo haysto biilka gabadhiisa

0
649

Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Ruto ayaa qirey in haweeney u dhashay gabar ay ka dacweysay maxkamad iyadoo sheeganaysa in uu dhaqaalayn waayay gabadha ay u dhashay.

 

Mr Ruto ayaa boggiisa Twitterka ku soo daabacay in gabadhiisa ay haysato daryeel wanaagsan uuna kula talinayo siyaasiyiinta iyo dad kale inay arrimihiisa faraha kala baxaan.

“Gabadhayda 11 jirka ah Abby si wanaagsan ayaan u daryeelaa waxbarashadeeda iyo xarun waxbarasho oo gaar ah ayay wax ka barataaa, siyaasiyiinta iyo dadka ku mashquulsan arrimahayga waa inay joojiyaan farogelinta ay igu hayaan,”ayuu qoray.

Haweeneydan u dhashay gabar Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya Gitobu Imanyara ayaa ku dacweynaysa Ruto in uu diiday bixinta qarashyada daruuriga ah sida cuntada,dharka iyo weliba hoyga gabadha ay u dhashay.

Sidoo kale Imanyara ayaa ku eedeynaysa Ruto inuu diiday bixinta lacagaha waxbarashada gabadhiisa iyo weliba qarashaadka dawooyinka.

Haweeneyda u dhashay gabadha William Ruto ayaa sheeganaysa in bil walba la siiyo lacag gaareysa Sh180,000 oo shillinka Kenya ah, taasoo ay uga dhigto gabadheeda cunto,hooy iyo guud ahaan qarashaadka ay u baahan tahay gabadheeda.  Mr Ruto ayaa leh xaas magaceeda lagu sheegay Rachael Ruto iyadoo u dhashay lix carruur ah.