Dibad-bax lagu taageerayo go’aanka maxkamadda ICJ ee badda Soomaaliya oo Muqdisho ka dhacaya

0
726

Waxa ka qaybgelaya bannaanbaxa madax kamid ah xukuumadda xilligeedu dhammaaday iyo maamulada degmooyinka gobolka Banaadir.

Xasan Sheekh Maxamuud; madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ayaa kamid ah madaxda ka qaygeleysa bannaanbax lagu taageerayo go’aankii Maxkamadda Cadaaladda Caalamiga (ICJ).

ICJ, ayaa gelinkii dambe ee Khamiistii aqbashay codsigii Soomaliya ee ahaa in ay Maxkamadda billowdo dhageysiga dacwadda badda, ee Somaliya iyo Kenya.

Xafiiska Madaxtooyada oo Maamulka Gobolka Banaadir kaashanaya, ayaa waxaa Suxufiyiinta Magaalada Muqdisho laga dalbaday in ay ka soo qaybgelaan bannaanbaxaasi.

Gudoomiyayaasha degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa lagu amray iney degdeg ku yimaadaan Taalada Daljirka dahsoon oo ah halka loo asteeyay in banaanbuxu ka dhoco.

Waxaa sidoo kale Gudoomiyayaasha degmooyinka lafaray iney soo kaxeyaan shacabka ku dhaqan degmooyinkooda si meesha Dibadbaxa unoqdo meel camira.

Madaxweynaha Somaliya oo xalay shir jaraa’id ku qabtay Villa Somalia, ayaa si diiran u soo dhaweeyay go’aanka ay meelmarisay Maxkamadda ICJ.

Madaxweynaha, ayaa wuxuu xusay inaanu go’aankan wax saamayn ah ku yeelan doonin xiriirka Somaliya iyo Kenya, oo uu ku sheegay mid aad u wanaagsan.