Dibad-bax lagu taageerayo go’aanka ICJ, ee Badda Soomaaliya ayaa ka socda Muqdisho

0
722

Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ICJ oo fadhigeedu yahay Hague, dalka Netherlands, waxay ku dhawaaqday go’aan ay ka gaartay diidmada hordhaca ah ee 7-dii Oktoober 2015 ay Jamhuriyadda Kenya ka soo jeedisay dacwada badda ee ay Jamhuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ku oogtay Kenya.

 

Kenya waxaa ay diidmadeeda uga dalabtay Maxkamadda INTERNATIONAL COURT OF JUSTICE (ICJ), in ay caddeyso in aanay awood sharciyeed u lahayn in ay qaaddo dacwadda Soomaaliya ee ka dhanka ah Kenya, sidaa darteedna ay Maxkamaddu iska diiddo.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Soomaaliya; waxaa ay u gudbisay Maxkamadda ICJ dacwad 28- Agoosto-2014; iyada oo ka dalabtay in la asteeyo soohdinta badda ee labada dal.

Maxkamadda ICJ waxay go’aamisay in ay awood sharciyeed ay u leedahay qaadista kiiska (MOU), oo ay Soomaaliya ku dacweysay Kenya. Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waa ay soo dhoweeyeen go’aanka caddaaladda ku dhisan ee Maxkamadda, iyo dadaalka daafacayo badda Soomaaliya iyo kheyraadkeeda.

Dowladda Soomaaliya; waxaa ay si weyn u rumeysan tahay in kiiskeedu uu qaanuuniyan haysto qiil wanaagsan waxayna ka dhowreysaa Maxkamadda ICJ go’aan caddaalad ku saleysan oo kama dambeys ah oo kiiskan ay ka gaarto.

Musharaxa Xasan Sheekh Maxamuud; oo shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa ka hadlay go’aankamaxkamadda, isaga oo oloaha musharxanimadiisa uga faaiideysta go’aankan, islamarkaana hadal sarbeeb iyo duurxul isugu jira u diray qaar kamid ah madaxda xukuumaddii kmg ahayd ee Muqdisho.