Manchester United ayaa caawa kusoo dhaweyn doonta garoonkeeda Old Trafford kooxda Hull City oo ay maalmo ka hor isku wajaheen lugta labaad Semi finalka koobka EFL Cupka markaas oo United 2-1 lagu suldaaray ciyaar ka dhacday KCOM Stadium.
Dhanka kale United wadada guulaha si dhaqso leh ayey ugu soo laabtay madama ay 4-0 ku xaaqday Wigan Athletic kulan ka tirsan wareega shanaad ee koobka FA Cup-ka.
Red Devils fursad fiican ayey heysataa hadii ay dooneyso iney nooleyso hanaankeeda ku dhameysashada afarta ugu sareyso, Chelsea iyo Liverpool waxey barbaro ku galeen Anfield, halka Arsenal ay qudheeda guuldaro kala kulantay Watford, waxaana usii dheer in Spurs ay kuftay kulankii Sunderland.
DHAAWACYADA
Eric Bailly ayaa kasoo laabtay tartanka Africa Cup of Nations wuxuuna heystaa fursad 100% ah, wuxuuna ka qeyb galay kulan ay da’yarta kooxda la ciyaareysay Everton. Bailly dhaawac ayaa looga saaray kulankaas balse Mou wuxuu xaqiijiyay inuu diyaar yahay.
Tim Fosu-Mensah ayaa isna diyaar ah kaas oo jug ay soo gaartay kulankii Wigan, halka Luke Shaw uu isku diyaarinayo inuu muddo kadib kasoo muuqdo horyaalka.
Dhanka kale ma jiro wax dhaawac cusub iyo dhibaato ku timid safka h–e tababare Jose Mourinho.
GANAAXYADA
Ma jiro xidig ganaax kaga maqan iyadoo United ay kaliya 7-jaale qaadatay tan iyo wareega labaad markuu bilowday, sidoo kalana Paul Pogba ayaa ah ninka ugu badan kaas oo laba jaale heysta, sadex jaale ayuuna u jiraa inuu kulan ganaax ku maqnaado.
SAFKA MACQUULKA AH
Shaxdaan maahan middi uu ku dhawaaqay Jose Mourinho, balse waa shax macquul ah oo ay doorteen shabakadda caalamiga ah ee Goal.com, Shaxdaan sida muuqata waxaa kusoo bilaaban doona Ashley Young oo ciyaari doona booska bidix ee daafaca.