Prof. Dufle oo ka bad baaday qarax lagula eegtay goob ku dhow xaruntiisa caafimaad

0
743

February 1 (Jowhar)— Prof. Cusmaan Maxamuud Dufle oo ka tirsan Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa maanta barqadii ka bad baaday qarax lagula beegsaday meel ku dhow xaruntiisa caafimaad oo ku taal xaafada Taleex ee degmada Hodan.

Qaraxa ayaa dhacay, xilli uu saarnaa gaarigiisa, isla markaana sii galayay xaruntiisa caafimaad ee uu dadka bukaanada ku daweeyo.

Wararka ayaa sheegaya in miinada la geliyay goob dhagxaan taalay oo dhisme ka socday, waxaana la sheegay in aanay wax khasaare ah ka dhalan.

Gaariga uu la socday Prof. Dufle ayaa afka hore ay waxyeelo gaartay, iyadoo goobta qaraxa uu ka dhacay markii dambe ay gaareen Ciidamo ka tirsan kuwa Ammaanka.

Waa weerarkii u horeeyay ee qarax ee lagu beegsado Xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare, iyadoo maalmahan ay isa soo tarayeen digniino laga soo saarayay in weeraro lala damacsan yahay Xildhibaanada Baarlamaanka.