Hordhac: Atlético Madrid v FC Barcelona- Diego Simeone Iyo Wiilashiisa Atletico Oo Vincente Calderon Ku Soo Dhawaynaya Balaugrana Kulanka Lugta Kowaad Ee Copa Del Rey.

0
815

Kooxaha Barcelona iyo Atletico Madrid ayaa caawa ku balansan garoonka Vincente Calderon ee kulanka lugta h–e ee Copa Del Rey wareegiisa afar dhamaadka, waxayna Diego Simeone iyo Luis Enrique u dagaalmayaan sidii ay ka hor kulanka lugta labaad faa’iido wayn u sii shaqaysan lahaayeen si ay ugu soo bixi karaan finalka Copa Del Rey. Barcelona oo koobka boqorka Spain ee Copa Del Rey ku soo guulaystay 28 jeer isla markaana ah kooxda labadii xili ciyaareed ee ugu danbeeyay koobkan soo hanatay ayaa markii saddexaad oo xidhiidh ah doonaysa in ay koobkan finalkiisa timaado.

XOGTA KULANKA:

TARTANKA: Lugta H–e Ee Afar Dhamaadka Copa Del Rey

KULANKA: Atletico Madrid vs Barcelona

GAROONKA:  Vicente Calderon.

WAQTIGA: 11:00 Habeenimo Ee Saacad Geeska Afrika

Kooxda martida loo yahay ee Atletico Madrid ayaa sideed dhamadkii Copa Del Rey soo dhaaftay kooxda Eibar oo wadar ahaan labada kulan kaga soo adkaatay  5–2, waxayna Diego Simeone iyo wiilashiisa Atletico Madrid soo dhawaynayaan Barcelona oo marti iyo minanba ku soo garaacday kooxda imtixaanka ku ahayd ee Real Sociedad. Barcelona ayaa afar dhamadka Copa Del Rey ugu soo baxday wada ahaan 6:2.

Atletico Madrid ayaan xili ciyaareedkan ku jirin qaab ciyaareedkii looga bartay waxayna kulankii ugu danbeeyay La Ligaha barbaro kala kulantay kooxd Alaves iyada oo kaalinta afraad baaqi ku sii ah waxayna 10 dhibcood ka hoosaysaa kooxda ay Madrid ku xifiltamaan ee Real Madrid oo hogaanka La Ligaha haysa, waxayna haddaba u muuqataa kooxda Simeone in ay awooda saari doonto Copa Del Rey iyo Champions Leaque-ga.

Marnaba wax sahlan ma noqon doono kulanani iyada oo labada kooxoodba ay si wayn ugu dagaalmi doonaan sidii ay faa’iido wayn u sii shaqaysan lahaayeen ka hor kulanka Camp Nou ee lugta labaad ee Copa Del Rey. Natiijada kulanka lugta kowaad ee Copa Del Rey inta aan lagu laaban Cam Nou.

WARARKA LABADA KOOXOOD EE KA HOR KULANKAN:

LIISKA ATLETICO MADRID EE UU SIMEONE SOO SAARAY: Moyá, Moreira, Godín, Filipe, Savic, Vrsaljko, Lucas, Juanfran, Koke, Saúl,Carrasco, Gabi, Gaitán, Keidi, Griezmann, Fernando Torres, Correa and Gameiro

Waxaa Atletico Madrid kulankan ka maqnana doona goolhayaha saamaynta badan ee Jan Oblak kaas oo uu dhaawac garabka ahi ku soo gaadhay kulankii Villarreal waxaana shaqada goolka soo waday Miguel Angel Moya. Waxa kale oo Atletico ka maqan José María Giménez oo uu dhaawac ku soo gaadhay kulankii Alaves.

LIISKA BARCELONA EE UU ENRIQUE SOO SAARAY:  Cillessen, Masip, Piqué, Rakitic, Denis Suárez, Arda Turan, Suárez, Messi, Neymar Jr, Rafinha, Mascherano, Paco Alcácer, Jordi Alba, Sergi Roberto, André Gomes, Aleix Vidal, Umtiti iyo Mathieu.

Difaaca bidix ee  Lucas Digne oo jugi ka soo gaadhay kulankii Real Betis ayaa ka maqan liiska Barcelona laakiin warka fiican ee uu Enrique helay ayaa ah in Rafinha uu taam buuxa u yahay kulanka lugta h–e ee Copa Del Rey wuxuuna ku soo baxay liiskan. Si la mid ah kulankii Real Sociedad ee Copa Del Rey ayuu markale Enrique nasiyay goolhaye Ter Stegen wuxuuna liiskiisa ku soo daray goolhayaha saddexaad ee Jordi Masip.

Laakiin waxaa Barcelona wali dhaawacyo kaga sii maan Sergio Busquets and Andrés Iniesta kuwaas oo ku dhawaacmay kulamadii Eibar iyo Real Sociedad sida ay u kala horeeyaan, waxayna seegi doonaan kulanka lugta kowaad ee Copa Del Rey.

SHAXAHA MACQUULKA AH EE LABADA KOOXOOD:

Barcelona (4-3-3): Cillessen; Roberto, Piqué, Umtiti, Alba; Mascherano, Rakitic, Gomes; Messi, Suárez, Neymar

Atlético (4-1-4-1): Moyá; Vrsaljko, Savic, Godín, Luís; Gabi; Juanfran, Saúl, Koke, Carrasco; Griezmann