Hay’ada Qaxootiga Adduunka (UNHCR) oo u magacawday Xil Sare Muwaadin Soomaaliyeed

0
929

Hay’ada Qaxootiga Adduunka (UNHCR) ayaa u magacawday Axmed Shire Warsame oo ah Soomaali inuu madax ka noqdo xafiiska arrimaha gurmada u qaabilsan hay’ada UNHCR.

Axmed Shire ayaa loo magacaabay inuu Agaasime ka noqday xafiiska la tacaalida arrimaha gurmadka deg-dega ah ee UNHCR isagoo fadhigiisu noqon doono magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Xafiiska uu madaxda ka noqonayo Axmed Shire Warsame ayaa ah mid mas’uul ka ah arrimo ay ka mid yihiin gurmadka deg-dega ah ee loo fidinayo dadka qaxootiga ama dadka ku barakaca wadamadooda,gurmadka loo fidiyo shaqaalaha hay’ada UNCHR iyo weliba kaalmada la siinayo dadka qaxootiga ah ee caalamka geesihiisa ku kala  nool.

Axmed Shire Warsame ayaa labaatankii sano ee u dambeeyay ka soo shaqeeyay hay’ada UNHCR isagoo haatan ahaa wakiilka hay’ada UNHCR ee dalka Koofurta Sudan.

Sidoo kale Axmed Shire Warsame oo ah sarkaalkii ugu horeeyay oo Soomaali ah oo  xafiis sare ka qabto hay’ada UNHCR ayaa ka soo shaqeeyay dalalka Kenya, Itoobiya, Pakistan, Uganda iyo dalal kale.