Dagaalkii ciidamada Puntland iyo Liyuu boolis ku dhex maray gobolka Mudug oo laga heshiiyay

0
893

Maamulka Puntland ayaa sheegay in xal laga gaaray dagaal maalmo ka hor deegaanada gobolka Mudug ku dhexmaray ciidamada Puntland iyo ciidamada Liyuu boolis.

Xasan Maxamed Khaliif, gudoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, ayaa sheegay in ciidamada Liyuu boolis weerar ay ku soo qaadeen deegaan ka tirsan dhulka Soomaalida oo Ethiopia aan ka mid aheyn.

Gudoomiyaha wuxuu sheegay in hadda xal buuxa laga gaaray dagaaladii dhacay todobaadkii hore.

Dagaaladaasi ayaa ka dhacay deegaanada Dudun iyo Xaran oo ka tirsan gobolka Mudug, waxaana ay u dhaxeeyeen ciidamada Puntland iyo kuwa dowlad deegaanka Soomaalida ee Liyuu boolis.

Hishiiska ayuu sheegay inuu ka dambeeyay kadib markii ay tageen deegaanadii dirirtu ka dhacday, halkaasina lagu yeeshay kulamo looga hadlayay dagaalada.

Xaalada deegaanada ayuu sheegay iney yihiin kuwo degen, lagana shaqeyn doono sidii markale dagaalo aysan kaga dhici laheyn deegaanka.