Baarlamaanka oo ansixiyay lacagaha ay bixinayaan musharixiinta guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha

0
943

Kulan maanta ay yeesheen xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee Federaalka Soomaaliya  ayaa ka dooday arimo badan oo quseeya doorashooyinka gaar ahaan lacagaha laga qaadayo Musharaxiinta xilka Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya iyo tan Madaxweynaha.

Baarlamaanka ayaa dood dheer kadib waxa ay ku ansixiyeen in Musharaxiinta u taagan xilka Madaxaweynaha Soomaaliya laga qaado lacag dhan 30 kun oo Dollar halka Musharaxiinta u taagan Guddoomiyaha Baarlamaanka laga qaadayo 15 kun oo Dollar.

Qiimaha ay maanta ansixiyeen xildhibaanada Baarlamaanka ayaa la mid ah kuwii ay hore  hogaamiyaasha Madasha Wadatashiga Qaran ayaa u soo saareen,

Kulanka baarlamaanka maanta ayay xildhibaanada waxa ay ku diideen in guddiga doorashooyinka dadban ay ka mid noqdaan dadka kormeeraya doorashada madaxtinimada dalka Soomaaliya.

Sidoo kale baarlamaanka ayaa waxaa uu ansixiyay in musharaxa Madaxweynaha uu  la yimaado illaa labaatan xildhibaan saxiixooda waxaana xildhibaan walba loo oggolaaday in uu saxiixi karo saddex musharax.

Kulankii baarlamaanka Aqalka Sare ayaa la isku raacay in ay kulankooda ugu horeeya ay yeelan doonaan marka la soo dhamaystiro senatarada gobolada waqooyi ka imaanaya oo doorashadooda dhowaan la qabanayo.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa maanta waxa ay dib u celiyeen qorshe ay ku dooneysa dowlada Soomaliya gaar ahaan wasaarada Maaliyada in lagu ansixiyo miisaaniyada saddexda bilood ee soo socota.

Wasiirka Maaliyada dowlada Soomaaliya Maxamed Ibraahim Fargeeti oo horyimid baarlamaanka ayaa dib loogu celiyay waxayna xildhibaanada baarlamaanka ka dalbadeen in uu soo bandhigo xisaabcelinta qarashaadkii miisaaniyadii ugu dambeysay ee ay baarlamaanka ansixiyeen.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa sheegay in aysan wasaarada maaliyada bixin mushaaraadka ciidamada iyo weliba mushaarka shaqaalaha baarlamaanka Soomaaliyeed.

Kulanka maanta ayaa sidoo kale la isku raacay in la doorto guddi ka kooban 25 oo noqon doona guddiyada doorashooyinka iyadoo la isku raacay in kulan maalinimada berri ah ay yeelanayaan baarlamaanka guddigaas la doorto.