Xoolaha Soomaaliya oo suuq cusub ka helay dalalka Yemen iyo Cumaan

0
870

Ganacsatada Soomaaliyeed ee xoolaha ayaa bilaabay inay suuq cusub u raadiyaan xoolahooda kadib markii ay xirmeen suuqyada xoolaha ee boqortooyada Sacudi Carabiya.

Dekedda weyn ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga dhoofiyay xoolo gaaraya 2,400 oo neef oo lo’ ah kuwaasoo loo qaaday dalalka Yemen iyo Cumaan iyadoo dalalkaasna ay yihiin wadamo suuq u ah xoolaha Soomaaliya.

Labo markab oo ay saaran yihiin xoolahan ayaa ka shiraacday dekeda Muqdisho iyadoo dalka Cumaan la geyn doono 1,900 oo neef halka wadanka Yemen la geyn doono suuqyadoodo lo’ gaareysa 500.

Dowlada Boqortoyada Sacudi Carabiya ayaa dhowaan joojisay xoolihii uga iman jirey dalka Soomaaliya kadib markii ay ku sheegeen in caafimaadka xoolaha Soomaaliya uusan wanaagsanayn.

Xoolaha nool ayaa ka mid ah qeyraadka dalka Soomaaliya Eebe ku manaystey waxaana sanadihii la soo dhaafay aad u kordhay dhoofinta xoolaha.

Xarumo lagu baaro caafimaadka xoolaha isla markaana lagu sii hayo inta laga dhoofinayo ayaa laga sameeyay magaalooyin badan oo dalka Soomaaliya ka mid ah iyadoo xoolahaasna laga dhoofiyo dekedo ku kala yaal dalka Soomaaliya.