Cumar C/rashiid oo la kulmay Xildhibaanada laga soo doortay Galmudug (Sawirro)

0
981

Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa shalay kulan ah la qaatay Xildhibaanadda labada Aqal ee dhawaan laga soo doortay deegaanadda Galmudug,

Kulankan ayaa ka qeyb ka ahaa kulamada Musharaxiinta Madaxweynaha ay la qaadanayaan Xildhibaanada labada Aqal ee laga soo doortay deegaanada maamul goboleedyada.

Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid ayaa ka codsaday Xildhibaanada laga soo doortay Galmudug inay taageeraan barnaamijkiisa Siyaasadeed, maadama uu ka mid yahay Murashaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha

Qaar kamid ah Xildhibaanadda laga soo doortay Galmudug oo ka mid yihiin C/Waaxid Cilmi Cumar (Goonjeex),  Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid),  Axmed Macalin Faqi  oo dhammaantood ka mid ah Xubnaha labada Aqal  oo madasha hadallo ka jeediyey ayaa taageeray barnaamijka siyaasadeed ee murashax Sharma’arke.
Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid ayaa u hambalyeeyay xildhibaanada la soo doortay, isagoo hoosta ka xariiqay in dalka horumar ballaaran gaarsiin doono, hadii uu heli kalsoonida Xildhibaanada.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in howlihii kala duwanaa ee uu soo qabsoomay intii xilka hayay ayuu balan qaaday inuu dhameystiri doono, isagoo la tashi guud iyo aragti mideysan kala sameyn doono dhinacyada siyaasada iyo bulshada Soomaaliyeed.
Cumar C/rashiid oo ka mid ahaa Musharaxiinta ugu xooggan xilka Madaxweynaha ayaa maalmihii la soo dhaafay hoos u dhac ku yimid ololihiisa doorashada, kaddib markii la sheegay in dowladihii uu ka sugayay taageerada ay kala laabteen sida Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya oo diidan in Madaxweyne loo doorto.
cumar1cumar2cumar3cumar4cumar5cumar6cumar7