Baarlamaanka Soomaaliya oo berri kulankoodii labaad yeelanaya

0
893

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in berri oo Sabti ah ay yeeshaan kulankoodii 2aad ee kalfadhiga koowaad iyadoo kulankaasina ay shir guddoomin doonaan guddoomiyaasha kumeelgaarka ah ee ah kuwa ugu da’ada weyn labada gole.

Kulankaan ayaa dhici karta in laga soo saaro guddiga doorashada guddoomiyaha baalamaanka iyo ku xigeenadiisa iyo weliba guddiga doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Warar ku dhowdhow baarlamaanka ayaa sidoo kale waxa ay sheegayaan in kulanka berri ay xubnaha baarlamaanka ugaga doodi doonaan in waqti loo qabto doorashooyinka guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa iyo weliba doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Doorashada guddoonka baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha ayaa hore dib ugu dhacay iyadoo hore loo qorsheeyay in la soo gabagabeeyo doorashooyinka dalka inta uusan dhamaan sanadkan 2016.

Cadaadis badan ayaa beesha caalamka ay saarayaan xildhibaanada baarlamaanka iyadoo Qaramada Midoobay ay dooneyso in kahor 17ka bisha Janaayo 2017 ay soo dhamaystirmaan doorashooyinka dalka Soomaaliya.