Madaxweynaha Koofurgalbeed Soomaaliya Shariif Xasan oo markale dib ugu laabtay Itoobiya

0
797

Madaxweynaha Maamul goboleedka Koofurgalbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa markale dib ugu laabtay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya isagoo ka soo laabtay safar uu ku tegey dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa toddobaadkii hore ugaga qeybgalay Addis Ababa shir ay ka qeybgaleen Madaxweynayaasha maamul goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle iyo wakiilo ka kala socday dalal ay ka mid yihiin Imaaraadka Carabta,Itoobiya iyo dalal kale.

Kulankaa ayaa la sheegay in Shariif Xasan Sheekh Aadan uu ku aqbalay inuu ka tanaasulo musharaxnimada Madaxweyne kadib markii cadaadis ay saareen dalal ka mid ah wadamada sida gaar ah u daneeya arrimaha Soomaaliya.

Hase yeeshee,Madaxweyne Shariif Xasan Shiikh Aadan oo wareysi gaar ah siiyay laanta afka Soomaaliga ah ee VOA maanta ayuu  ku sheegay inuu yahay musharax Madaxweyne.

‘’Aniga Musharax Madaxweyne ayaan ahay waxaana diyaar u ahay in aan bulshada ku hogaamiyo si cadaalad ah una adeego, rajo weyn ayaana ka qabaa in aan noqdo Madaxweynaha Soomaaliya.”ayuu yiri Madaxweynaha Koofurgalbeed.

“Maamulka koofurgalbeed, Baarlamaanka Koofurgalbeed,odayaasha dhaqanka iyo shacabweynaha koofurgalbeed ayaan kala soo tashtay inaan u tartamo xilka Madaxweynaha waa ayna oggolaadeen.”ayuu sii raaciyay  Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Mar wax laga weydiiyay Madaxweynaha Koofurgalbeed Shariif Xasan sababta uu u joogo magaalada Addis Ababa ayuu ku sheegay in uu u sii gudbayo dalka Soomaaliya uuna ku yahay magaalada Addis Ababa hakad kaliya maadaama uu hore ugaga dhoofay magaaladaas markii uu ku sii jeeday Boqortoyada Sacuudi Carabiya.