Ururka Suxufiyiinta Qaaradda Afrika oo aqoonsaday Hoggaanka NUSOJ

0
890

Ururka Suxufiyiinta Qaaradda Afrika FAJ ahna ururka ugu weyn Qaaradda ayaa si buuxda u aqoonsday hogaanka cusub ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ.

War murtiyeed ka soo baxay Ururka FAJ ayaa waxaa uu meesha kaga saaray Cumar Faaruuq Cismaan oo sheegan jiray hoggaanka ururka, horayna looga soo saaray dhowr urur oo ka jira Qaaradda Afrika.

FAJ waxaa qoraalkii shirkeedii ugu danbeeyay ee dhawaan ka dhacay magaalada Abidjan  ay ku caddeeyeen in ay si buuxda u aqoonsadeen Hogaanka cusub ee NUSOJ la doortay, gaar ahaan Xoghayaha Guud Maxamed Ibraahim Macalimuu.

Waxaa sidoo kale madaxda Ururka Saxaafadda Qaaradda Afrika ee FAJ ay si kulul u cambaareeyeen faragalinta ay IFJ ku heyso qaaradda Afrika oo lagu sheegay in ay faragalineyso ururada la soo doortay, iyaga oo ku qasbaya shaqsiyaad gaar ah oo ay IFJ dabada ka riixeyso, taasoo laga codsday in ay deg deg u joojiyaan.

Bishii May ee sanadkan ayay aheyd markii doorasho ka dhacday magaalada Muqdisho oo ay ka qeyb galeen Suxufiyiin ka kala socday Gobolada dalka lagu doortay Hoggaanka cusub ee NUSOJ, kaddib markii hoggaankii hore uu ka dhamaaday waqtiga.

Halkan hoose ka akhriso qoraalka FAJ

 

 

fajfaj1