Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo baajiyay banaan bax saaka ka dhici lahaa Muqdisho

0
771

Banaan bax looga soo horjeeday xubnaha lagu daray Aqalka Sare ee laga qadiyay Gobolka Banaadir oo saaka lagu waday inuu ka dhaco magaalada Muqdisho ayaa la baajiyay.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa shalay ku baaqay isu soo bax ballaaran oo lagu muujinayo xaqdarada lagu sameeyay Gobolka Banaadir, kaddib markii aan wax xubno ah laga siin 18-kursi ee lagu kordhiyay Aqalka Sare.

Wararka ayaa sheegaya in banaan baxa loo baajiyo sababo amni iyo mid siyaasadeed, iyadoo goor dambe oo xalay uu Guddoomiye Madaale ku wargeliyay Guddoomiyeyaasha degmooyinka in la baajiyo banaan baxa.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ku dhaliilay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir inuu ku mashquulsan yahay ololaha doorashada, isla markaana aanu war u heynba xaqa ka maqan Gobolka Banaadir.

Maqaamka Muqdisho oo aan wali la cadeyn ayaa sabab u ah in aan wax xubno ah ka helin Aqalka sare, sidoo kale Madaxda sare ee dowladda ayaa lagu eedeeyay in dano siyaasadeed ay leeyihiin darteed u seejiyeen xaqii Gobolka Banaadir.