Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha ayaa bilaabay xod-xodashada iyo kasbashada Xildhibaanada laga soo doortay gobolada, iyadoo Musharax walba uu dadaal ugu jiro sidii uu u heli lahaa kalsoonida Xildhibaanada.
Ra’iisul Wasaaraha xilka sii haya ahna Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Cumar C/rashadiid ayaa shalay kulan qado u sameeyay Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka iyo Aqalka sare ee Jubbaland,
Cumar C/rashiid ayaa kala hadlayay sidii ay taageero u siin lahaayeen maadaama uu kamid yahay Muwaadiniinta u taagan xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda F. Soomaaliya ee dhawaan doorashadeedu ka dhici doonta dalka.
Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa ka codsaday Xildhibaanada labada aqal in codkooda ay siiyaan, si dalka wax badan ugu qabto. Wuxuu sheegay in hadii uu ku guuleysto qabashada xilka madaxtinimo ee dalka uu wax badan qaban karo, islamarkaana qibradiisa uu kaga faaiideynayo dalka.
C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo kamid ah Xubnaha Aqalka sare kasoo galay Jubbaland ayaa soo dhaweeyey Musharaxnimada R.Wasaare Cumar, wuxuna xusay Soomaaliya in ay u baahan tahay Hoggaan iyo isbadal wanaagsan.
Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa kamid ah Musharaxiinta u taagan qabashada Xilka Madaxweynaha Soomaaliya ee doorashadiisa dhawaan dhici doonta, wuxuna horey u shaaciyey Musharaxnimadiisa 5-tii bishii September ee sanadkan 2016.