Baadhitaano aad u baahsan ayaa maamulka Turkigu kuhayaa qiyaas dhan 10,000 oo qof oo looga shakisanyahay in ay caawiyaan gacana siiyaan kooxaha argagixisada ah dhanka baraha bulshadu ay ku xidhiidho ee Intenetka.
Dadkan ayaa lagu sheegay i n ay u isticmaalaan baraha bulashada si ay ugu taageeraan kooxahan, sida laga soo xigtay wasaarada Arimaha gudaha ee dalka Turkiga.
Waxay kaloo wasaaradu intaasi ku dartay inlagu eedeeyay in ay Aflagaadeeyeen masuuliyiin dawladeed, dhanka shabakada internet ka waxa ay ugu yeedhay wasaaradu “ dhaqdhaqaaq kutacaluqa Argagixisada” ee gudaha internetka.
Waxay kaloo dawladu xir xidhay tiro lagu qiyaasay 3,710 qof kuwaasoo baadhitaano lamariyay mudadaii 6 dii bilood ee lasoodhaafay.
Dadkaas waxaa kamid ahaa 1656-qof oo lasii daayay kadib markii waxba lagu waayay .