Maamulka Gobalka Banaadir Oo Ka Hadlay Isbadal Lagu Sameeyay Xubnaha Aqalka Sare…

0
626

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in gobolka Banaadir aan marnaba lagu soo darin xubnaha lagu kordhiyay aqalka sare.

Duqa Muqdisho oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in wali maqaamka gobolka Banaadir maqan yahay, xili dowlad gobolleedyada mar kale loogu daray xubno dheeraad ah  aqalka sare.

Yuusuf Xusseen Jimcaale ayaa sheegay in aysan suurtagal aysan aheyn in la qadiyo gobolka Banaadir, islamarkaana maamulada kale loogu daro xildhibaano dheeraad ah.

Ugu danbeyntii, waxaa uu ugu baaqay madaxda madasha wadatashiga iney si deg deg ah xal ugu helaan maqaamka gobolka Banaadir, maadaama aqalka sare hal xildhibaan xitaa uusan ku laheyn gobolka Banaadir.

War-murtiyeedkii ka soo baxay xalay shirkii madasha ayaa lagu sheegay in 18 xildhibaan lagu kordhiyay xubnaha aqalka sare ee baarlamaanka lana gaarsiiyay 72 xildhibaan