Diyaarad military oo siday ciidamo u dhashay Ruushka islamarkaana tiradodu dhamayd 91 Asakari ayaa ku burburtay duleedka goobta dalxiiska ee lagu magacaabo Sochi ee bada madow sida laga soo xigtay wasaarada difaaca ee Ruushka.
Diyaaradaas waxay ka luntay araga shaashadaha Radaarada 20 daqiqo kadib marki ay gashay duulimaadkeedii hawada ee ay ka duushay Sochi, Abaarihi 22:20 saacada ingiriska , waxaana lahelay qaybo kamid ah burburki diiyaaradaas.
Wasaarada difaaca ayaa sheegtay in uu nooca diyaaradani uu ahaa TI YU 154.
Dadka ku le’day diyaaradaas waxaa kamid ahaa koox faneed musical ah iyo waliba saxafiyiin.
Diyaarad burburtay ayaa waxay ku sii jeeday gobolka Laadiqiya ee Suuriya.