Dhageyso:-Baaq Taabanaya Hogaamiyaha Maamulka Hir-Shabeelle Oo La Diray…

0
685

Nabadoon Maxamed isxaaq yacquub oo ka mid ah odayaasha kasoo jeedo Gobolka Hiraaan ayaa waxa uu  sheegay in loo baahan yahay in  maamulka Hirshabeele uu heshiis la galo qaar kamid ah odayaal kasoo jeeda gobolka Hiiraan oo dhaliinsan hanaanka loo dhisay maamulka.

Waxa uu sidoo kale ugu baaqay  madaxweynaha maamulka Hirshabeele Cali Cabdulaahi Cosoble in intuusan magaacaabin Golahiisa Wasiirada in uu wada hadal la sameyo odayaasha reer Hiiraan kasoo jeedo oo maamulkisa dhaliilsansan.
Maxamed isxaaq yacquub ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in qaar kamid ah odayaasha ku sugan magaalada jowhar islamarkana Gobolka Hiiraan kasoo jeedo in ay kulan ay la qaateen madaxweynaha maamulka hirshabeele islamarkana madaxweynaha ay kala hadleen sidii odayaasha kasoo hor jeedo maamulka hirshabele loo qanci lahaa ka hor inta uusan magacaabin Golihiisa Wasiirada cusub.
Shalay ayey aheyd markii baarlamaanka maamulka Hirshabeele uu mudada uu ku soo magacabayo golaha wasiirada hirshabeele ay u kordhiyeen islamarkana ayna u qabteen ilaa iyo labo bilood in uu ku soo magacaabo golaha wasiirada cusub ee maamulka Hirshabeele.