Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalbka Sida iyo Danbiyada culus ee Shan Gobol oo ka Tirsan Puntland Col. Cabdiftaax Xaaji Aadan ayaa Ka hadlay Dilka Xeer ilaaliyihi Maxkamada Puntland,
Gudoomiyaha oo La hadlayay Goordhoweyd warbaahinta Ayaa Sheegay in dilka Masuulka ay ka danbeeyeen Kooxo Ku Hubeysan Bastoolad, kuwaas Oo Kadibna Goobta Ka Baxsaday,
Wuxuu sheegay in dilka Marxuumka ay ka xunyihiin, Looguna Geystay Aaga Hotelka Bootaan Oo Ku Dhow Saldhiga Qeybta Booliska Ee Gobolka Bari oo aan sidaas oga fogeyn meesha lagu dilay Xeer ilaalihii Guud ee Maxkamada Ciidamada Militeriga Puntland,
Dhinaca Kale, Wuxuu ku eedeeyay Ciidamada Dowlada iyo kuwa ilaalada ka ah Hoteelada Gaarka loo leeyahay in aysan waxba ka qaban Dilalka Dadka masuuliyiinta ah, Ayna maanta ka agdhawaayeen Meesha Dilku Ka dhacay,
Wuxuuna ku hanjabay iney sida ugu dhakhsiyaha badan ula xisaabtami doonaan Ciidamada Ka agdhow Goobaha Lagu dilo Masuuliyiinta Dowladda, ee misna aysan u dhaqaaqin,
Dhinaca Kale Al-Shabaab Ayaa Durba Sheegatay Masuuliyada Weerarka lagu dilay Xeer ilaalihi Guud ee Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Puntland Gaashaanle Sare Cabdikariin Xasan Firdhiye, Oo Lagu dilay Meel aan sidaas oga fogeyn Xarunta Maxkamada ee Boosaso
Sheekh C/Caziiz Abuu Muscab Afhayeenka Ciidamada Shabaab ayaa sheegay in G/sare Cabdi Kariin Ay Dileen Ciidamo Ka Tirsan Kooxda Al-Shaabaab
Sida ay baahisay Warbaahinta Shabaabkuna weerarka lagu dilay xeer ilaaliyaha ayaa ahaa mid qorshaysan, waana weerarkii sedaxaad oo Muddo kooban gudahood ka dhaca Bosaso ee lagu dilo saraakiil katirsan Puntland.
Dhinaca Kale waxaa ka socda Maalmahan Boosaso, Howlgalo Balaaran oo Ciidamada Dowladu ay ka wadeen Xaafadaha Magaalada, kuwaas oo Dadbadana Lagu soo Qab-qabtay,