WARSAXAAFADEED
Baydhabo, 14 Diseembar, 2016
Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Koonfur Galbeed wuxuu Shacabka
Soomaaliyeed, Madasha Hogaanka Qaranka iyo Beesha Caalamka la socodsiinayaa in
go’aanka Guddiga Xalinta Khilaadaafka Doorashooyinka ay kusoo celiyeen kuraasta 11ka
ah, kuwaas oo 5 kamid ah lagu soo celiyay Koonfur Galbeed uu yahay mid aan xaqiiqda ku
saleysneyn oo hareer marsan habraacyada doorashooyinka 2016.
Guddiga Doorashooyinka KG wuxuu go’aanka GXKH u arkaa in:
GXKH ay yihiin dad aan war u hayn Habraaca Doorashooyinka Dadban,
Warmurtiyeedyadii MHQ ay isku raaceen ee hagayay nidaamyada Doorashooyinka.
Kuraasta lasoo celiyay in ay siyaasadeysan yihiin oo uu GXKH ugu adeegayo dad
dano khaas ah leh.
Dacwooyin been abuur ah oo ay usoo gudbiyeen musharaxiin kusoo hungoobay
helidda kalsoonida shacabkooda oo ay siyaasiyiin dano gaar ah leh ay gadaal ka soo
riixayaan .
GXKH wuxuu sumcad ku raadinayaa inay sumcad dil ku sameeyaan GDGHDD ee KG
taasoo aan marnaba la aqbali Karin.
In ayadoo lawada ogyahay dacwo badan deegaan doorashooyinka kasoo gaareen
GXKH ayaa waxaa cad in Koonfur Galbeed si gaar ah loo bartilmameedsaday halka
kuwa kale la iska indha tiray. Taasina waxay caddeyneysaa heerka musuqa uu ka
gaaray GXKH.
In la iska indha tiray qoraalada caddeymaha ah ee GDGHDD u gudbiyay GDXKH.
Taasoo caddeyn u ah in GXKH ay dad gaar ah danahooda ka shaqeynayaan.
Sidaas darted, Gudiga Doorashooyinka KG wuxuu iska diiday inay aqbalaan dib u
qabashada kuraasta 5ta ah ee ay sheegeen inay soo celiyeen. Kuraastaas oo doorashadoodu
u dhacday si xor ah oo xalaal ah, waafaqsana habraacyada doorashooyinka. Haddaba,
waxaan halkaan ku caddeyneynaa in go’aanka ay soo saareen guddiga XKHD yahay mid
lagu burinayo doorashada ka dhacday deegaan doorashooyinka soomaaliya uu yahay mid
siyaasideeysan oo aan marnaba la aqbali karin.
Waxaan MHQ ugu baaqeynaa inay soo farageliyaan go’aanadan la musuqay ee GXKH ay
gaareen. Sidoo kale Beesha caalamka waxaan ugu baaqeynaa inaysan ku kedsoomin inay
taageeraan go’aanadaas musuqa lagu saleeyay ee ka fog xaqiiqda.