Guriga Raphael Varane ayaa dhibane u noqday dhac loo geystay xiligii uu ku mashquulsanaa kulankii Real Madrid ay la laheyd kooxda Borusia Dortmund.
Xidiga Los Blancos ayaa booliiska ku wargeliyay inuu iloobay inuu daaro saacada qeylisa ee guriga ku xirnaa (Gambaleelka amaanka ) wuxuuna sheegay inuu si degdeg ah gurigiisa uga baxay maadaama uu u ordayay inuu gaaro saaxiibadiisa kooxda wuxuuna la kulmay qasaaro weyn.
Daafaca France ayaa lagada xaday lacag dhan 70,000 oo euros oo kaash ah, saacado qaali ah, dahab iyo dhar, El Mundo iyo Marca ayaa warinaya in dhacdaadan ay aheyd xiligii lagu guda jiray kulankii 2-2 ku dhamaaday ee Champions League.
Tuugada ayaa u soo dhacay guriga kadib markii ay ku yimaadeen gaari nuuca Sportska ah ee Audi 04 Sport oo madoow ah, waxayna xirnaayeen dhar madmadow, waxayna guriga eeganayeen mudo dheer, waxay xadeen 12 saacadood oo midiiba ay joogto lacag dhan £3,800 oo pound, kabo aad u qaali ah iyo waxyaabo kale, booliiska ayaa sidaasi sheegay .