Sacuudi Carabiya oo joojiyay xoolihii ay ka soo dhoofsan jirtey dalka Soomaaliya

0
821

Dowlada Sacuudi Carabiya ayaa joojiyay xoolihii ay ugaga iman jirey dalka Soomaaliya iyadoo go’aankaasna uu xaqiijiyay safiirka Soomaaliya u fadhiya Sacudi Carabiya danjire Daahir Maxamuud Geelle.

 

Go’aanka lagu joojiyay xoolihii Soomaaliya laga dhoofin jiray ee la geyn jiray Sacuudiga ayaa waxa uu ka soo baxay Wasaradda Deegaanka, Beeraha iyo Biyaha ee Sucuudiga sida uu sheegay danjiraha Dowladda Federaalka u fadhiya Dalka Sacuudiga Daahir Maxamuud Geelle.

Hase yeeshee danjiraha ayaa sheegay in joojinta ay tahay mid kumeelgaar ah uuna salka ku hayo xanuuno lagu arkay xoolo la geeyay dalka Sacuudi Carabiya.

Danjire Geelle ayaa sidoo kale waxa uu sheegay Dowladda Soomaaliya in lagu war geliyay arrinkan, gaar ahaan Wasaaradda xanaanada iyo xoolaha Soomaaliya.

Boqortoyada Sacudi Carabiya ayaa ah mid kamid ah suuqyada ugu waaweyn ee xoolaha laga dhoofiyo Soomaaliya la geeyo,hase yeeshee joojintan ayaa ku soo beegmeysa xilli abaaro ay ka jiraan dalka Soomaaliya.