Mas’uuliyiin ka tirsan gobolka Sh/dhexe oo ka qeyb galay olole nadaafadeed ka bilowday Jowhar

0
964

Maamulka gobolka Sh/dhexe ayaa ku dhowaaqay olole nadaafadeed oo laga fulinayo xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Jowhar ee xarunta maamul goboleedka Hirshabeelle.

 

Bilowgii ololahan ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyin uu kamid yahay guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Axmed Meyre Makaraan iyo mas’uuliyiin kale oo isugu jirta heer degmo iyo heer gobol.

Sidoo kale ololahan nadaafadeed ayaa waxaa ka qeybgalay ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo uu horkacayay taliyaha qeybta booliska gobolka Sh/dhexe Cornel Khaliif Cabdulle Carfaaye iyo qaar kamid ah ciidamada Booliska degmada Jowhar.

Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Axmed Meyre Makaraan oo ka hadlay munaasabadii bilowga ololahan nadaafadeed ayaa ugu baaqay shacabka degmada Jowhar inay dhowraan nadaafada.

“Inta qashinka kuu jiro ayuu cudurkana kuu jiraa ee waa in la ilaaliya nadaafada si degmada oo ah xarunta dowlad goboleed ay u noqoto mid qurxoon oo indhaha ay soo jiitaan,”ayuu yiri guddoomiye Axmed Meyre(AxmedFaal)

Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee maamulka gobolka Sh/dhexe Muxumad Cismaan Sugaal, duqa magaalada Jowhar Saalax Muudey Cali iyo guddoomiye ku xigeenka degmada Jowhar ee dhinaca arrimaha bulshada Xasan Barrow Bocor ayaa ka hadlay munaasabadan iyagoo taageeray baaqa guddoomiye Meyre.

Ololahan nadaafadeed ayaa  imaanaya dhamaadka doorashada Aqalka Hoose ee lagu qabtay magaalada Jowhar iyadoo kumanaan ruux ay doorashada awgeed ay magaalada Jowhar soo gaareen.

nadafad-jowhar-2

nadafad-jowhar-3

 

nadafad-jowhar-5


nadafad-jowhar-7

nadafad-jowhar-9