Inkastoo Uu Xalay Dhaliyay Labo Gool, Hadana Eder Oo Faarujin Doona Inter Bisha Janaayo

0
814

Inkastoo uu xalay dhaliyay labo gool, hadana wararka saakay soo baxaya ayaa sheegaya in  Sampdoria ay soo garaaceyso alabaabada kooxda Inter si ay dib ula wareegaan Eder, Il Secolo ayaa sheegeysa in hadii xidiga aadka loo qiimeeyo ee Luis Muriel uu baxo  January, kooxda ka dhisan Genoa ay dib u soo ceshan doonto Eder.

Xidigaan ayaa ku soo biiray Nerazzurri bishii January isagoo ku yimid amaah labo sano ah iyo waliba dookh ay Inter ku iibsan karto laakin wuxuu dhaliyay kaliya afar gool tan iyo markuu kooxdaan ku soo biiray oo ay ku jiraan xataa labadiisii gool ee xalay waxayna taasi keentay in jamaahiirta kooxdiisa ay inkaar kala duldhacaan.

Saxiixa xidigaan ayaana lagu eedeyn karin kooxda Inter iney ku qaldantay maadaama uu xili ciyaareedkii 2015-16 bilowgiisii uu dhaliyay  12 gol kaliya 19 kulan uu qeybtii koowaad ee xili ciyaareedka u saftay Bluerchiati laakin wuxuu ku fashilmay inuu soo min guuriyo qaab ciyaareedkiisii kooxdaas.

Dhanka Sampdoria, Muriel oo ay si fican isku fahmeen Fabio Quagliarella ayaa xili horeba dhaliyay sideed gool wuxuuna xiiso ka helayaa kooxo ay ku jiraan Chelsea iyo Valencia, wuxuuna madaxweynaha Samp mudane Massimo Ferrero qirtay ineysa celin karin xidigaan haduu dalbado bixitaan.