Ciidamada dowladda soomaaliya ayaa maanta waxa ay howlgalo badan ay ka sameeyeen tuulooyin ku xeeran degmada buulobarde ee gobolka hiiraan.
C/laahi barre ee ka tirsan saraakiisha ciidamada dowladda ee ka howlgalaya gobolka Hiiraan ayaa xaqiijiyay in ciidamada dowladda maanta ay howlgalo balaaran ka wadaan nawaaxiga degmada buulobarde.
Taliyaha ayaa sheegay in ka war heleen hub loo waday als ahbaab islamarkaana ay ku guuleysteen soo qabashada hubkaasi, isagoona tilmaamay in hubka lagu qabtay tuulooyin ku dhow degmada buulobarde.
Howlgalka waxaa ciidamada dowladda soomaaliya ku wehlinayay Ciidamada AmisomĀ gaar ahan kuwa Jabuuti oo ka howlgala gobolka Hiiraan.