WARBIXIN: Arsenal Oo Isbedeshay, Lewandowski Oo Xirfad Cusub Yeeshay & Shan Waxyaabood Oo Laga Bartay Kulamadii Xalayto Ee Champions League.

0
811

Shan waxyaabood aan ka baranay daawashada kulamadii xalayto oo Talaado aheyd la ciyaaray koobka Champions League.

Arsenal waa ka duwan tahay sidii h–e xilli ciyaareedkan

Sida uu noqdo xilli ciyaareedka Arsenal waa mid lawada bartay: inay ku dhameystaan afarta kaalin ee ugu sareysa iyagoo aan horyaalka u tartameynin, inay kaalinta labaad kaga soo baxaan wareega group-yada Champions League islamarkaana lagu reebo wareega 16. Laakiin Arsenal waa ka duwan tahay sidii h–e xilli ciyaareedkan, waxaana ay taasi xaqiijiyeen xalayto ka dib door isbedel fiican oo ay sameeyeen.

Caadiyan waxa ay aheyd kooxda Arsene Wenger kuwii isaga ciyaari jiray fursadooda hogaanka group-ka Champions League, laakiin taas bedelkeeda waxa ay 4-1 ku qaarjiyeen Basel iyadoo PSG ay iska xoortay kaalinta koowaad ka dib markii ay gurigooda barbaro 2-2 la galeen Ludogorets.

Arsenal lagama badinin wareega group-yada xilli ciyaareedkan taasoo keentay inay 14 dhibcood uruursadaan oo markii ugu horeysay muddo shan sannadood ah ay ku dhameystaan kaalinta koowaad, sida cad waa horumar ay gaareyso Gunners.

Pep oo ay dhaaftay fursad uu ku sixi lahaa City

Ka hor kulankii ay Manchester City u safartay Celtic Park dhamaadkii bishii September, waxa ay badiyaan 10 kulan oo isku xigta tartamada oo dhan, waxaana ay u muuqdeen kuwa wadada u saraan inay guulo badan u soo hoyaan Pep Guardiola.

Si kastaba, wax badan ayaa isbedelay tan iyo markaas. Afar guul oo ay gaareen 14kii kulan ee ugu danbeysay ayaa ah qaab ciyaareed aan cabsi gelineynin kooxda ay ku soo aadi doonaan wareega 16ka Champions League cid walba oo ay tahay.

Iyadoo kulanka City ee Leicester City uu yahay habeenka Sabtida, islamarkaana Celtic ay aheyd koox aan badinin xilli ciyaareedkan Champions League, miyuu Guardiola u baahnaa inuu xiddigo badan nasasiiyo? Inuu bedelay gabi ahaanba afarta daafac danbe ayaan hubaashii City ka dhigin koox adag.

In wada ciyaarista daafacyada la joogteeyo ayaa inta badan guul lagu gaaraa, ka dib markii seddex gool laga dhaliyay kulankii Chelsea, daafacyada dooqa koowaad ee City ma geli doonaan garoonka iyagoo kalsooni qaba kulanka Leicester City.

Xitaa ciyaartoyda keydka Barca ayaa cabsi leh

Barcelona ayaa sideed bedel ku sameysay shaxdii ay ku soo bilaabeen kulankii El Clasico, taasoo keentay in dhamaan lixdii xiddig ee ay la soo wareegeen xagaagii ay ku soo bilowdaan iyadoo sidoo kale Arda Turan iyo Aleix Vidal oo kooxda ku soo biiray xagaagii ka horeeyay, sida ay u kala dhantaaleen Borussia Monchengladbach ayaana soo jeedineysa inay kooxda wax ku soo kordhin karaan.

Hal sheey oo kooxda Catalans ka maqnaa xilli ciyaareedyadii ugu danbeysay ayaa aheyd ciyaartoy tayo leh oo u fadhisa xiddigahooda shaxda koowaad, laakiin inkastoo ay xalayto la ciyaarayeen koox iska taag daran hadana sida ay kubada uga heysteen iyo sida ay u raacanayeen Gladbach ayaa muujineysa in Barca ay ciyaartoydaan keydka u isticmaali karo qaar ka mid ah kulamadooda waa weyn.

Lewandowski oo ku takhasusay laadadka xorta ah

Robert Lewandowski waxaa soo martay afar kulan uusan gool u dhalinin Bayern Munich intii u dhaxeysay 5tii November ilaa iyo 2dii December laakiin ka dib markii ay ku adkaatay inuu ciyaar furan gool ku dhaliyo, weeraryahanka Poland ayaa sida cad go’aansaday inuu takhasus ka dhigto tuurista laadadka xorta ah, isagoo xitaa gaaray inuu laadad xor ah oo isku mid ah uu dhaliyo labo jeer shan maalmood gudaheed.

Laadkii xorta ahaa ee uu ka dhaliyay xalayto Atletico Madrid waxa ay dhan walba isaga egyihiin tii uu ka dhaliyay kooxda Mainz isbuucaan ee horyaalka Bundesliga.

Waxaana ay fariin u direysaa kooxaha ka horimaanaya Bayern Munich oo hada ka dib iska ilaalin doona inay booskaas qalad ku galaan.

Unai Emery is on a tightrope

Magacaabistii Unai Emery waxa ay aheyd mid ay wado cad ku jeexayeen milkiilayaasha PSG, waxa ay doonayaan inay horumar ka sameeyaan Champions League. Waxa ay qabsadeen kubada maxaliga ah laakiin waxa ay ku hungoobeen inay noqdaan awood ka dhex muuqata qaarada. Emery oo ah nin seddex jeer oo isku xigta soo qaaday Europa League ayaana loo arkayay mid wax ka bedeli doona.

Barbarihii 2-2 ee ay gurigooda xalayto kula galeen Ludogorets ayaa mugdi weyn sii gelisay mustaqbalka Emery ee Paris. Ka dib difaacasho xumo ay sameeyeen iyo weliba bedel qariib ah uu sameeyay PSG ayaa iska xoortay kaalinta 1aad ka dib natiijo fiican oo ay Waqooyiga London ku soo gaareen. Haddii PSG ay guuldarro ka soo gaarto kooxda hogaanka heysa ee Nice Axada waxa ay noqon doonaa markii ugu danbeysay ee uu Emery soo istaago kursiga keydka PSG.