Tobanaan qof ayaa maqan kadib doon ku gadoontay meel u dhow xeebta Yemen

0
809

Map

Ugu yaraan 40 qof, oo ay ku jiraan dumar iyo carruur, ayaa maqan kadib markii doon ay ku gadoontay Badda Carabta oo 350km u jirta koonfurta Yemen.

Doonta xamuulka ayaa waxaa saarnaa ilaa 60 qof , markii la waayay iyadoo ka timid gobolka Hadramawt una socotay jasiirada Socotra.

Dowladda ayaa sheegtay in doonta ay gadoontay shan maalmood ka hor, laakiin la xaqiijiyay oo kaliya Talaadadii.

Ugu yaraan 19 ayaa la badbaadiyay maanta, ayuu sheegay wasiirka kaluumaysiga ee Yemen Fahd Kavieen.

Sababta ay doonta u gadoontay wali lama oga.

Doon taala jasiirada SocotraImage copyrightGETTY IMAGES
Image captionJasiirada Socotra ayaa hadda lagu tagi karaa oo kaliya doon

Jasiirada Socotra, oo ay degan yihiin 50,000 oo qof ayaa ku taal 350km meel u jirta koonfurta Yemen iyo 240km bariga Soomaaliya.

Duulimaadyadii Yemen iyo jasiirada ayaa la joojiyay bishii Maarso 2015, markii dagaalka dowladda Yemen iyo Xuutiga mucaaradka uu kordhay.

Sacuudi Carabiya iyo isabahaysiga ay hogaamiso ayaa xiray hawada Yemen, kadib markii ay dagaal ku qaadeen Yemen.

M jiro doomo joogto ah oo la raaco, taasoo dadka jasiirada degan ku qasbaysa inay raacaan doonyaha xamuulka

 

          Xigasho BBCSomal.com