Diyaarad ay leedahay Pakistan International Airlines oo ay saaran yihiin in ka badan afartan qof ayaa ku dhacday waqooyiga waddanka sida ay sheegeen warfaafinta gudaha.
Dayuuradda oo ay leedahay shirkadda duulimaadka ee dalka, waxaa laga waayey raadeerka wax yar kadib markii ay ka duushay degmada Chitral ee buuraha ah, waxayna u socotay magaalada Islamabad.