DIB U DHAC: Fininvest Iyo Sino-Europe Oo Ku Dhawaaqay In Markale Uu Dib U Dhac Ku Yimid Iibsashadii AC Milan

0
766

Fininvest iyo Sino-Europe Sports ayaa saakay ku dhawaaqay in kala iibsashadii AC Milan oo lagu waday iney dhacdo 14 ka bishaan ay markale dib u dhacday iyadoo haatan kala iibsadah kooxda ay dhici doonta March 3 sanada 2017.

Warbixin ay soo wada saareen labada shirkad ayaa lagu yiri “Fininvest iyo Sino-Europe Sports waxya gaareen heshiis lagu dheereynayo maalinta kama danbeysta ah ee ay dhaceyso iibsashada kooxda oo ay iibin doonto Fininvest  bisha March 3 sanada 2017”.

“Heshiiskaan uu an sixiyay madaxa maamulka Fininvest, ayaa cadeynaya in maalinta December 12 Sino-Europe Sports, oo fasax ka heysata Fininvest ay bixin doonta lacag dhan €100 milyan oo euros oo deyn ah, tanina waa mid ka baxsan €100 milyan ee euros ee horay ay u bixiyeen markii heshiiska la kala saxiixanayay”.

“Heshiiska lagu dheereynayay waqtiga kala iibsashada kooxda oo ay codsatay Sino-Europe SPorts (SES) wuxuu qeexayaa habka uu ganacsiga  AC Milan ku sii socon doono ilaa maalinta ugu danbeysa ee ay iyaga la wareegaan kooxda.”