Dhibaatada ba’an ee Abaaruhu ku hayaan Deegaanada Galmudug

0
1046

Bilihii ugu dambeeyey waxa ku soo kordhayey deegaanada Galmudug, dhibaatada ba’an ee abaaruhu ku hayaan dadka reer guuraaga ama xoolaleyda ah ee ku nool deegaanada Galmudug.

Dowladdu waxay u xilsaartay guddi soo indha indheeya xaaladaha abaareed ee ka jira dhamaan deeganada Galmudug iyadoo ay jiraan dhibaatooyinka ka dhashay abaaraha xoogan ee ka jira deegaanka, abaarahan ayaa waxay saameeyn xoogan ku yeesheen dadka iyo duunyada, waxa ayna sababtay dhimashada xoolo farabadan iyo ceelashii oo biyo yareeyey, waxayna guddigu ku war bixiyeen in hadda dadku qarka u saaran yihiin dhimasho madaama aysan jirin biyo iyo baad lagaarsiiyey dadkii xooluhu ka dhamaadeen.

Intaas waxaa dheer barakac ku dhacay dadkii ay saameysay colaadda isbuucii ugu dambeeyey ay Sharwadayaashu ku hayeen deegaanada Dumaaye iyo Dabagalo halkaas oo kooxda UGUS kaga dheceen reer miyigii wixii ay xoolo haysteen, kagana gubeen agabkii iyo aqaladii ay lahaayeen, dadkaas reer guuraaga ah ayaa u soo barakacay deeganada Bacaadweyn, Baxdo, Camaaro iyo Cadakibir ayagoo cunno, xoolo iyo hoy ay gabaadsadaan toona haysan.

Dadka ay saameysay abaartu iyo kuwa ay abaartu ugu darsantay barakaca colaadda ayaa waxay u baahanyihiin gurmad ded deg ah, oo ay hadda ugu muhiimsantahay Baad, Biyo iyo Hoy, waxaana loo bahanyahay dadka ree Galmudug dibad iyo guhaba in si aan kala har lahaayn loogu gurmado dadkaas dhibaateysan.

Ugu dambeyntii Dowlada Galmudug waxay markale ugu baaqeysaa Dowlada Federaalka Soomaaliya, beesha Caalamka iyo Cidkasta oo ka naxaaysa dhibaatada xooggan ee haysata dadka abaartu iyo coladdu halakeysay in ay gurmad deg-deg ah lagaaraan.