CEEB KALE: Inter Iyo Matteo Kovacic Oo Qeyb Ka Noqday Fadeexad Kubada Cagta Dumisay Ee Lacag Lunsiga

0
789

Xidigii h–e ee  Inter haatana ka tirsan kooxda Real Madrid ee Mateo Kovacic ayaa qeyb ka noqday dhibaneyaashii ugu danbeeyay ee ay saameyn ku yeelato fadexaada Football Leaks kadib markii ay shirkadaan siraha ciyaaraha faafisa ay soo ogaatay in heshiiskii uu ugu biray Inter uu ahaa mid aan si sax ah loo maamulin.

Sida lagu daabacay wargeysayada la mataanaha ah FOotball Leaks, shaki ayaa ku jira cidii la siiyay lacagtii €11ka milyan oo euros aheyd ee ay Nerazzurri bixisay markii ay xidigaan kala soo wareegeysa Dinamo Zagreb waxaana la sheegayay in lacag dhan boqoliiba 50 oo ahaa xuquuqdii ciyaariyahanka la marasiiyay shirkad aan magaceeda la sheegin oo ku taala Hong Kong.

Xidiga Real Madrid haatan ka tirsan ayaa u soo dhaqaaqay Inter bishii January 2013 wuxuuna boga FCinter1908.it sheegayaa in dhamaan lacagtii xidigaan laga bixiyay la siiyay kooxda Ukrainian ka ah.

“Waxaan dhamaan lacagtii aan kula soo wareegnay Kovacic siinay Dinamo,” sidaasi waxaa yiri madaxa xiriirka Inter Robert Faulkner oo intaa ku daray “Waxaan xaqiijin karnaa in Dinamo ay heshay boqolkiiba 100 lacagtii ay Inter bixisay, waxba kama ogin lacago kale oo lagu bixiyay Kovacic.”