Barcelona Oo Xalayto Rikoor Cusub U Dhigtay Koobka Champions League.

0
872

Barcelona ayaa xalayto rikoor cusub oo u dhigtay tartanka Champions League iyagoo sameeyay baasaskii ugu badnaa abid ee hal kulan oo Champions League ah tan iyo markii ay UEFA bilowday inay diiwaangelison xaqiiqooyinka ciyaaraha xilli ciyaareedkii 2003-04.

Barcelona ayaa isku dayday 993 baasas kulankii xalayto ay ka badiyeen kooxda Jarmalka ee Borussia Monchengladbach.

Ka dib barbarahooda kulankii Real Madrid ee isbuucaan, Gerard Pique ayaa sheegay inuu doonayo inay Barcelona soo celiso qaab ciyaareedka isagoo yiri: “Haddii aan dib u helno qaabkeena ciyaarta, waxaan noqon doonaa kuwa aan la celin karin”

993 – Barcelona have attempted 993 passes vs Borussia, a record in a single UCL game since 2003/2004. Taka

Waxaana ay hubaashi sameeyeen sidaas inkastoo uu khadkooda dhexe ka maqnaa Sergio Busquets. Laakiin waxa ay heysteen Andres Iniesta iyo Andres Gomes oo ciyaarta isku xirayay iyadoo labada ciyaaryahan ay isku dayeen 246 baasas. Javier Mascherano ayaana ugu baasas badnaa ciyaartoyda Barcelona xalayto isagoo isku dayay 138 baasas.

Barcelona ayaana xalayto jabiyay rikoor ay iyaga h–e u dhigeen sannadii 2010 iyadoo isku dayay 971 baasas kulan ay la ciyaareen kooxda Rubin Kazan.

993dii baasas ee ay xalayto isku dayeen, waxa ay dhameystireen 903 baasas oo ka mid ah taasoo iyada lafteeda cajiib ah.