9 qof ayaa ku dhintay inta la xaqiijiyay 15 kalena waa ay ku dhaawacmeen ka dib Qarax maanta ka dhacay halka loo yaqaan Suuqa Beerta Degmada Waaberi ee Magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa loo adeegsaday gaari walxaha Qarxa laga soo buuxiyay oo la dhigay wadada.
Warar ayaa sheegaya in inta uusan Qaraxa dhicin wadada ay u xirneed Ciidamada Ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya maadaama la sheegay Madaxweynaha Soomaaliya uu halkaas ka dhawaa.
Hoos ka Daawo Sawirada:-